War Cusub : AMISOM oo dalbatay wax weyn

03/25 3:39 pm0 commentsViews: 1170

Danjire Max’ed Saalix Aanadifi oo ah wakiilka Midawga Africa ee arrimaha Soomaaliya ahna madaxa AMISOM oo ka hadlayay kulanka golaha amaanka iyo nabad galyada Midawga Africa uga socda magaalada Addis-Ababa ayaa dalbaday in ciidamada AMISOM ee dagaalka kula jira Al-Shabab loo helo diyaaraddo dagaal oo ay howlgalada loo adeegsado.

Danjire Annadifi waxaa uu sheegay mar uu ka hadlayay dagaalka Soomaaliya ka socda inuu hadda ku dhaw yahay wax uu ugu yeeray heer gabo gabo ah maadaama Al-Shabab laga qabsanayo magaalooyin hor leh oo ku yaala bartamaha iyo koofurta Soomaaliya hase ahaatee waxaa uu xusay in ciidamada AMISOM ay u baahanyihiin taageero dheeraad ah oo ay ka mid yihiin diyaaraddo dagaal.

“Ciidamada AMISOM oo ay la socdaan kuwa dawlada hadda guul ayay ka gaareen dhamaan howlgaladii ay Soomaaliya ka sameeyeen haddana waxaan u baahanahay taageero kale oo dheeraad ah si gaar ah waxaan ugu baahanahay illaa iyo  12 diyaaradood oo Helicoptero ah oo aan howlgalka u adeegsano” ayuu yiri Max’ed Saalix Aanadifi sida ay baahiyeen warbaahinta dalka Ethiopia qaarkood.

Howlgalka midawga Africa ee Soomaaliya ka socda dhawr jeer oo hore ayay dalbadeen diyaarado dagaal oo ay Shabab u adeegsadaan hase ahaatee ciidamada Keny oo AMISOM qeyb ka ah ayaa dhawr jeer diyaarado u adeegsaday dagaalka ay Al-Shabab la galeen

Wakaalada Wararka Warqaad.com
Email : info@warqaad.com

Leave a Reply