War Cusub oo aan caawa ka helnay magaalada Buula-mareer

02/17 9:42 pm0 commentsViews: 1816

Wararka ka imaanaya deegaanka Buula-mareer ee gobalka SHabeellaha Hoose ayaa sheegaya inay buux dhaafiyeen ciidamo badan oo ALshabaab ah.

Qof goobjooge ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka Warqaad in ciidamo badan oo Alshabaab watana gaadiidka dagaalka ay magaalada soo galeen.

“Walaal waxaa Buula-mareer soo gaaray 48-kii saac ee la soo dhaafay ciidamo badan oo Alshabaab ah kuwaasoo magaalada soo buux dhaafiyay, ciidamadani qiyaas ma lahan waa ay badan yihiin waana kuw aaad u badan. haa dadka waa ay baqayaan dagaal ayaa laga cabsanayaa” sidaas waxaa yiri qof diiday magaciisa iyo codkiisa inaan xiganno oo ku sugan deegaanka Buula-mareer.

Xaaladda ayaa aad u kacsan Buula-mareer maalmihii la soo dhaafay waxaana magaalada lagu arkayaa gudaheeda ciidamo badan oo gaaf-wareegaya.

Dhowaan ayay ahayd markii magaalada Baraawe diyaar dagaal ay ku weerartay Alshabaab  ku sugan magaaladaasi.

 

 

Wakaalada Wararka Warqaad.com
Email : info@warqaad.com

Leave a Reply